Alpaslan ÇAKAR - Guddoomiyaha Golaha Maamulka
Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacadda Ankara, kuliyadda culuumta siyaasadda, qeybta maamulka guud. Sanadkii 1996 ayuu ka shaqo bilaabay Bankıga T.C. Ziraat Bankı A.Ş asigoona noqday Kaaliye Kormeere. Çakar, oo ka soo shaqeeyay shaqooyinka Kormeer iyo maamule farac ayaa 2005'tii noqday maamulaha guud ee bankıga oo ilaa heer gobol ah.
Çakar, waxa uu Madax Waaxeed ka noqday bankiga sanadku marka uu ahaa Agoosto 2007, kadib waxa uu noqday gudoomiye Ku Xigeenka Fulinta ee Bangiyada qeybta Tafaariiqda, Madaxweyne Ku Xigeenka dhanka howlaha Fulinta. Waxa uu soo noqday ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Maaraynta Kanaalka Qaybinta intii u dhaxaysay Janaayo 2016 iyo Luulyo 2017, Kaaliyaha Maareeyaha Guud ee Nidaamyada Lacag bixinta intii u dhaxaysay Luulyo 2017 iyo Juunyo 2018, iyo Kaaliyaha Maareeyaha Guud ee Bangiyada dhanka Tafaariiqda-2 intii u dhaxaysay Juun 2018 iyo Maarso 2021.
Intaa waxaa dheer, inta u dhaxaysay 2003 iyo 2019, Ziraat Financial Leasing A.Ş, Bilesim Alternative Distribution Channels Payment System Inc., Ziraat Hayat ve Emeklilik A.Ş., Ziraat Sigorta A.Ş, Kredi Kayıt Bürosu A.Ş., Ziraat Bank. (Moscow) JSC, Türkmen Türk Ticaret Bankası, Ziraat Teknoloji A.Ş., Bankaparmak Kart Merkezi A.Ş., Ziraat Gayrimenkul Yatırım Ortaklığı A.Ş., Ziraat Bank (Moscow) Guddiga Agaasimayaasha ee JSC. Waxa uu u shaqeynayay Ziraat Bank (Moscow) JSC Guddoomiyaha Guddiga tan iyo 16.07.2019, iyo Maareeyaha Guud ee Bankiga Ziraat iyo Xubin Guddiga laga bilaabo Maarso 2021. Waxa uu ahaa Guddoomiyaha Ururka Bangiyada ee Turkiga ilaa 22.04.2021. laga soo bilaabo 01.02.2022 ilaa iyo waqti-xadirkaan ayuu ku fadhiyaa xilka gudoomiyaha golaha maamulka bankiga Ziraat Katılım.
Fikrettin AKSU- Guddoomiye ku xigeenka Golaha Maamulka
1979-kii, wuxuu ka qalin jabiyay Akademiyada Eskişehir ee Dhaqaalaha iyo Sayniska Ganacsiga, Kutahya Kulliyadda Maareynta, Waaxda Maamulka Ganacsiga. Ka dib markii uu ka soo shaqeeyay xarumo kala duwan intii u dhaxaysay 1980-1984, wuxuu ka shaqo bilaabay bankiga T.C. Ziraat Bankası A.Ş. asigoo Bankiga ka soo qabtay jagooyin kala duwan intii u dhaxeysay 1984 iyo 2014, intaas kadib Aksu oo ka shaqeeya Ziraat Hayat Emeklilik A.Ş. iyo Ziraat Sigorta A.Ş. Agaasinka Guud iyo Ziraat Yatırım Menkul Değerler A.Ş. ayaa inti u dhaxeysay Oktoobar 2018 iyo Disembar 2019 soo qabtay gudoonka kooxda shaqada iyo shaqaalaha. intii u dhaxaysay Disembar 2019 iyo Agoosto 2020 waxaa uu madax u ahaa kooxda qaabılsan howlaha gudaha bankıga.
Laga soo bılaabo 19.06.2020 ilaa iyo waqti-xaadirkaan waxa uu hayaa shaqada gudoomiye ku xigeenka golaha maamulka bankiga Ziraat Katılım, Xubin ka tirsan Guddiga Hantidhawrka iyo Guddiga Maamulka Shirkaddaha , sıdaas oo kale laga soo bilaabo 03.11.2021 waxa uu xubin-fadhiyeed kayahay gudiga daymaha.
Metin ÖZDEMİR - Maamulaha Guud - Xubin
Wuxuu ka qalin jabiyay kuliyada maamulka ganacsiga ee jaamacada Istanbul 1990kii. Metin Özdemir wuxuu noloshiisa xirfadeed ka bilaabay Kuveyt-Türk Finans Kurumu A.Ş sanadkii 1992 wuxuuna sii watay xirfadiisa shaqo isagoo maareeye ka ah qaybta tafaariiqda ilaa 1996. Özdemir waxa uu xubin ka ahaa Golaha Dawladda Hoose ee Istanbul intii u dhaxaysay 2004-2014. Laga soo bilaabo Abriil 2012 ilaa Maajo 27, 2019, wuxa uu soo qabtay jagooyınka kala ah; Xubin ka mid ah Guddiga Maamulka, Xubin ka mid ah Guddiga gunnada iyo Xubin fadhiyeed oo ka mid ah Guddiga Daynta ee Ziraat Bank. Özdemir, oo xubin ka ahaa Guddiga Maamulka ee Bankiga Ziraat Katılım tan iyo Febraayo 18, 2015, waxaa loo magacaabay maamulaha Guud ee Ziraat Katılım Bankası A.Ş Juun 12, 2017. Özdemir, oo xubin ka ah Guddiga Agaasimayaasha Bankayada iyo Guddiga gunnada, ayaa sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Daynta ilaa 25 Luulyo 2017.
Mahmut Esfa Emek - Xubin
Wuxuu ku dhashay 1965 magaalada Erzurum. Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacadda Atatürk, Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Sayniska Maamulka, Waaxda Maamulka Ganacsiga 1985. Wuxuu 1988kii shaqada Kaaliye Kormeere ka bilaabay Imar Bank. Inti u dhaxeysay 1990 iyo 2017 Waxa uu bankiga Albaraka Türk Katılım kasoo qabtay jagooyinka Kormeere, Madaxa Guddiga Kormeerayaasha, Maareeye Qayb, ku xigeen maamula guud ee dhanka howlgalada iyo deymaha. Waxa uu ka soo shaqeeyay shirkad gaar ah asigoo kasoo noqday xubin kamid ah golaha Board-ka iyo madax fulinta ee shirkada (CEO). Waxa uu soo noqday Maareeyaha Guud ee Bangiga Birleşik Fon intii u dhaxaysay 2017-2019. Emek, laga soo bılaabo 31.03.2023 waxa uu xubin ka yahay Guddiga Maamulka ee Bangiga Ziraat Katılım. Sidaas oo kale Emek waxa uu weli waa xubin kamid ah Guddida Kontaroolka, Gudiga Gunnada iyo xubin fadhiyeed gudiga deymaha.
Ahmet BUÇUKOĞLU - Xubin
Waxa uu ku dhashay 1955 Kayseri. 1980kii waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacada Ankara, kuliyada culuumta siyaasada, qaybta dhaqaalaha iyo maaliyada. Sanadkii 1982 Waxa uu shaqadiisa ka bilaabay bankıga T.C. Ziraat Bankası A.Ş. Intii u dhaxaysay 1982 iyo 2014, waxa uu soo noqday Kaaliye Kormeere, Kormeere, maamula ku xigeenka qeybta deymaha Beeraha, Madaxa Waaxda Sirdoonka, Maamule Faraceed iyo Maamule Gobol. Intii u dhaxaysay 2014 iyo 2018, waxa uu noqday Maamulaha Guud iyo Guddoomiyaha Golaha Sare ee Bangiga Türkiye Kalkınma Bankası. Buçukoğlu, laga soo bilaabo 19.06.2020 waxa uu xubın ka yahay golaha maamulka, sidaas oo kale waxa uu weli xubin kamid ah yahey Guddida Kontaroolka, Gudiga Gunnada iyo xubin fadhiyeed gudiga deymaha.
Mehmet BAŞIBÜYÜK- Xubin
Waxa uu ku dhashay 1966 magaalada Artvin. Wuxuu ka qalin jabiyay Jaamacadda Istanbul, kuliyada culuumta siyaasadda, waaxda maamulka guud sanadkii 1988. Ka dib markii uu ka shaqeeyay xarumo kala duwan intii u dhaxaysay 1988-1991, wuxuu ka shaqo bilaabay xarunta maamulka deyn bixinta ee bankiga Albaraka Türk Katılım Bankası A.Ş. Intii u dhaxaysay 1995 iyo 2004. waxa uu ka shaqeeyay qaybaha xarunta maamulka ee Bangiga Albaraka Turk, ka dibna waxa uu noqday gudoomiye Faraceed intii u dhaxaysay 2008-2019. Başıbuyuk,
laga soo bilaabo 25.03.2022 waxa uu xubın ka yahay golaha maamulka, sidaas oo kale waxa uu weli xubin ka yahey Guddida Deymaha iyo Gudiga Maamulka Shirkadaha.