Nagu saabsan

Paragraf

Bankiga Ziraat Katılım lantiisa Soomaaliya;   waxa uu sı waafaqsan shuruucda Soomaaliya  ogolaanshaha aas-aaskiisa  helay tariikhdu marka ay aheyd  02.07.2022, asigoona ku howul bilaabay ra’sumaal tiradiisu tahay 20 Mılyan oo dolar.

Ziraat Katılım, oo ah Banki Islaami ah kii ugu horeeyay oo ay leedahay dowladda Turkiga oo Somaliya xarun ku leh, isla markaana ah Banggiga kaliya ee Turkiga laga leeyahay ee ka furan  Soomaaliya. 

Bankiga Ziraat Katılım lantiisa Soomaaliya waxa ay u fuliysaa dhamaan howleheeda si waafaqsan mabaadi’da bangiyada Islaamiga ah. 

Bankiga Ziraat Katılım lantiisa Soomaaliya, waxa uu mar walba la garab taagan yahay macaamiishiisa wax soo-saar iyo adeegyo kala duwan kuwaas oo mar walba waafaqsan mabaadi'da bangiyada Islaamka. 

Bankıga Ziraat Katılım Lantiisa Somaaliya oo falsafadiisa asaasiga ah ka dhigtay dhegeysiga macaamiishiisa iyo xal u helidda dhibaatooyinkooda, sidaas oo kale keliya kuma koobnan doono macaamishiisa iyo Saamileydiisa, ee waxa uu qabanayaa howlo qiimo badan u leh dhamaan shacabka Soomaaliyeed ıyo dadyowga kale ee ku nool dunida daafaheeda.  Ziraat Katılım lantiisa Soomaaliya, waxa uu hiigsanayaa in uu qaabeeyo qorsha howleedkiisa  asaasiga ah oo u marayo qabashada howlaha bankiyada shirkadaha, kuwa shaqsiga ah, Mobile-ka iyo Internet-ka Bangiyada, isku xirka ganacsıyada dibada, howlaha sarifka iyo habab kale ee qaybinta iyadoo la isticmaalayo tignoolajiyada.