Sıyaasada Daahsoonanta

Paragraf

Ziraat Katılım Bankası A.Ş waxay qaadaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso macluumaadka macaamiisha iyo hantidoodaba iyada oo loo eegayo xeerarka sharciga ee khuseeya sidaas darteed iyadoo taas laga duulayo waxaa website-ka Bankigayaga (www.ziraatkatilim.com.tr) iyo laanta internetkaba lagu maamuli doona qodobadaan hoos ku xusan;

  • Marki badeecada iyo adeega laga soo codsanyo website-ka bangiga keliya waxaa loo bahanyahay macluumadka macaamilka, marka badeeco iyo adeeg codsigooda ama howlo iibin ah laga sameynayo laanta internetka waxaa loo bahanyahay macluumadka macaamilka ama waxaa la isticmaalayaa macluumadka diiwan-gashan ee markaas lahaayo. 
  • Codsiyada Badeecada ama adeega lagu codsanayo ama lagu iibinayo iyadoo loo soo marayo website-kayaga ama laanta Internetka  ama macluumad kasto oo shaqsiyadeed ee uu leeyahay macaamilka ku waas oo laga arki karo  sistemka bankiyaga ama laanta ınternetka lala ma wadaagi karo qof sedexaad iyadoo la heysan ogolaasha macaamilka. Macluumaadka macaamiisha waxa lala wadaagi karaa oo keliya hay'adaha sharciga ah iyo maamulka loo oggolaaday inay galaan macluumaadka macmiilka, marka la codsado. 
  • Waxaa la xannibay gelitaanka qolo saddexaad ee macluumaadka ay macaamiisheena ka soo galeen mareegaha ama laanta internetka. Si loo ilaaliyo qarsoodinimada macluumaadka shakhsi ahaaneed ee macaamiisheena, nidaamka Bankigayaga iyo kaabayaasha internetka ayaa la ilaaliyay heerka ugu kalsoonida badan waxaana la sameeyay taxadarro lagama maarmaan ah. 
  • Bankagaya, marka uu u baahdo waxa uu taageero dhanka adeega ah ka dalbanayaa ha’yado kala duwan isla markaasna hay’adahaas waxa ay ka shaqeynayaa in bankiga ku jıheeyaan in uu u dhaqmo si ku haboon shuruudaha iyo heerka daahsoonanta caalamiga ah.   
  • Bankayaga masuul kama ahan  daahsoonanta iyo amniga Linkiyada la isticmaalayo iyadoo websıte-kayaga looga gubayo website-yo kale. Bankayaga dusha uma ridan doono khasaaraha maadiga iyo macnawiga isugu jira ee lagala kulmi karo website-yadaas.  
  • Ziraat Katılım Bankası A.Ş. ayaa leh xuquuqda daabacaada ee ku saabsan macluumaadka, agabka iyo habayntooda kuwaas ee ku jira mareegaha bangigayaga. Dhammaan xuquuqaha daabacaadda, calaamadaha ganacsiga ee diiwaangashan, shatiyada, garaadka iyo xuquuqaha kale ee hantida ee ku saabsan macluumaadka iyo agabka ku jira mareegaha Bankigayaga, marka laga reebo agabka ay leeyihiin dadka saddexaad, waxaa lagu kaydin doona dhamaan maclumaadka macamiisha kaydka Bankigeena. 

 
Gelitaanka macaamiisheena/booqdayaashayada ee website-ka Bangiga waxay ka dhigan tahay inay aqbaleen shuruudaha kor ku xusan, Bangigeenu wuxuu xaq u leeyahay inuu beddelo oo cusbooneysiiyo shuruudaha iyo xeerarka ogeysiiska sharciga ah iyada oo aan loo baahnayn ogeysiis hore.